Inaga oo ka duulaynno su'aalaha aan soo xusnay, waxaan leenahay: la iskuma diidana in ay jirto dhibaatooyin ka dhashay hawlaha ay burcad-badeedu ka wadaan xeebaha Soomaaliya, balse waxaan ognahay in ay mar hore bilaabantay arintan, ka hor inta ayna talada la wareegin Golihii Maxaakiimta Soomaaliya, sidoo kale aad ayaan ula soconnaa in maxaakimtu ku guulaysteen in ay meesha ka saaraan hawlahaas burcad-badeeddu ka wadaan xeebaha Soomaaliya.
Balse markii ay meesha ka baxeen ayaa waxaa laba kacleeyay hawlihii burcad-badeedu ka wadeen xeebaha Soomaaliya iyo gobolkaba, taas oo keentay in ay dhibaatooyin soo gaaraan hawlihiis ganacsiga aduun guud ahaan, gaar ahaan gudaha Soomaaliya, waxaase dhacaday in ay iyada oo ay joogaan maraakiib dagaal oo ay leeyihiin reer galbeed ay laba jibaaranto hawlahaas burcadnimo, taas oo lagu fasiray in ay tahay arin si qasad ah loo sameeyay, oo iyaga oo wax badan ka qaban kara ay indhaha ka fiirsadaan.
Dadka ka faallooda arinmahan waxay ku doodayaan u jeedada dhabta ah ee ay reer galbeedku wax uga qaban waayeen in ay tahay iyaga oo doonaya in ay u noqoto arinta burcad-badeedda iyo ka hortageeda mar-marsiiyo u suurta galinaysa in ay faragalin ku sameeyaan Soomaaliya, arintaas oo markii si dhab ah loo eego u muuqanaysa mid ay wax ka jiraan, maxaa yeelay waxaan aragnaa in buun-buunintii arintan ay sharci u siisay maraakiibta reer galbeedka in ay ku soo gurmaan xeebaha Soomaaaliya.
Sidoo kale waxaan ognahay in Soomaaliya ay leedahay Bad aad u dheer islamarkaana laga helo kheyraad aad u badan oo macaadin ah, kalluunka iska ceegaaga warkiisa daa, taas oo ayna jirin cid ilaalinaysa, hadaba waxaa muuqata in ay fursad aad u wayn u tahay maraakiibta imaanaysa badda Soomaaliya in ay sida ay doonaan uga faa'iidaystaan Badda Soomaaliya.
Arinta kale ee khatarteeda leh waxa ay tahay in wadamada ku hor maray xaga warshadaha iyo kuwa haysta hubka Nugleerka ay meel u la'yihiin haraaga iyo sunta ka soo hartay warshadahooda iyo hubka Nugleerka, Soomaaliyana waxaa lagu tiriyaa in ay tahay meesha ugu badan ee lagu qubo wax yaabahaas, iyada oo aan og nahay in markii loo fasaxay maraakiibta caalamiga ah Soomaaliya aan meeshaba la soo dhigin ka ilaalinta xeebaha Soomaaliya arimahan oo kale.
Hadaba gabagabadii waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in madax banaanidoodii iyo kheyraadkoodii halis ku jiraan, iyada oo mar- marsiiyo laga dhiganayo mushkilad xalkeedu aad u fudud yahay haddii daacad laga noqdo.
xalbasri@hotmail.com
Fikirkaan kor kuxusan wuxuu gaar ku yahay qoraaga magaciisa kor kuxusan,mana loo fasiran karo midda shabakadda Homelanmedia,Net