HomelandMedia.net

Warar sugan kala soco daafaha dunida

 

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys Waxaan is lahaa Bililiqeyso Dowladda Shariifka sidii hogaamiye kooxeedyadii oo kale….laakiin waan ku hungoobey oo damacaasi waxa uu noqday mid riyo maalmeed ah aan afka labadisa baar dhaafsiisneyn..”.

Muqdisho.07.Feb.2010.Kadib kala tagii Shariifka iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xili isku siyaasad ahaa waxaa ka dhalatay in Ninba dantiisa uu raacdo Sheekh kastana meel looga baaqay, Shariifka oo isticmaalayay Siyaasad Caalami ah ayaa Qaramada Midoobey ka ogolaaday wada hadal in uu la galo Dowladda TFG-da halka Sheekh Xasan uu diiday kuna haray Saldhigii Ururkii dib u xoraynta kala irdhoobay ee ahaa Casmara.

Intaas kadib waxaa is fur furay jawi Siyaasadeed cusub kaasoo ahaa Mucaarad wada hadal ogolaaday kaasoo oo ka qeyb galay Shir ay dabada ka riixaysay Qaramada Midoobey, kaasoo ka dhacay Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti, waxaana halkaasi fursad weyn ka helay Guddoomiyihii ururkaasi Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Intii shirkaasi uu socday Shariifka iyo Saaxiibadiis waxay isku dayeen Sheekh Xasan in ay la hadlaan isla markaana ku soo daraan wadahadaladii ka socday Magaalada Jabuuti laakiin Sheekh Xasan oo ahaa Nin Askari ah isla markaana madax adag ayaa diiday in uu u hogaansamo warkaasi.

Dadka indha indheeya Siyaasada layaabka leh ee ka jira Dalka Soomaaliya ayaa waxay ku falan qeeyeen Saaxiibadan kala irdhoobay iyagoona ku macneeyey in Shariifka waxba diidanayn, laakiin uu la ciyaaray Siyaasad Sheekha Corneelka ah ee inta badan Dagaalka wax ku doona, waqtigiisa badana ku soo qaatay Askarinimo.

Qaramada Midoobey ayaa boobsisay Shirkii ka dhacay Magaalada Jabuuti si loo doorto Madaxweyne, ay ku tala gashay isla markaana ka soo baxo dhanka kooxaha  Mucaaradka oo xiligaasi hogaamiye u ahaa Islaamiyiistaha Qunyar socodka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ku soo baxay doorashadaasi dhowr iyo toban xubnood isku soo sharaxeen ugu danbeyna waxaa ku soo baxay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Markii la doortay madaxweynaha Cusub waxa uu baaq u jeediyey kooxaha Islaamiyiinta ah ayaa Sheekh Xasan oo ku sugnaa Casmara iyo Islaamiyiinta ku sugnaa Magaalada Muqdisho kuwaas oo durbadiiba Mucaaradnimo ku bilaabeen kana soo horjeesteen Doorashadii madaxweynahaasi.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo fursad u helay in uu Muqdisho soo gaaro ayaa mar ku hamiyey dagaal afgambi ah uu ku qaado dowladda Shariifka si xilka uga tuuro, sidii mar maxkamadii Koonfurta Soomaaliya ugala wareegeen Hogaamiye kooxeedyadii, laakiin waxaa bad baadiyey Dowladda Shariifka Xoogaga midowga Afrika oo shafka u garaaceen Bad baadinta Dowladda Shariifka isla shaaciyeen in dalka meelna uga socon ilaa dowladda cagaheeda ku istaago meeshana uga saarto kooxaha mucaradka islaamiyiinta uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aweys.

“Waxaan is lahaa Bililiqeyso Dowladda Shariifka sidii hogaamiye kooxeedyadii oo kale….laakiin waan ku hungoobey oo damacaasi waxa uu noqday mid riyo maalmeed ah aan afka labadisa baar dhaafsiisneyn..” sidaas waxa yiri Sheekh Xasan  Daahir Aweys.

Haddaba Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maalintii jimacaha ka hadlayay Masaajid ku yaala degmada Afgooye ayaa sheegay mar haddii tii hore u socon weyday laba mid in ay tahay in uu Dalka ka xoraynayo Cadowga ku soo duuley ee doonaya in ay Soomaaliya gumeysi hor leh geliyaan ama in uu u dhinto  ka Bad baadinta Gumeystaha cusub ee ku soo duulay Soomaaliya.

Ugu danbeyntii labada Sheekh ayaa maalmihii ugu danbeeyey labdoodaba waxay kala wateen Dareeska Tuutaha oo ah Astaan dagaal oo midba midka kale ku  doonayo in meesha ka saaro midka kale marka aan diirada saarno Saadasha Dagaal ayaa labada Tuute waxaa guusha u dhow Tuutaha Dowladda KMG taasoo oo aad moodo in uu u diyaar garoobay Taageero fiicana ka helay Dalalka dariska, balse jawaabta dhabta ah waxa aan sugnaa waa maalmaha soo socda.

Rashid154@hotmail.com

 

HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.