HomelandMedia.net

Warar sugan kala soco daafaha dunida

 

 

400-Askari oo ciidamo Ahlu Sunna Wal-jameeca oo Muqdisho  ku soo fooleh si ay qeyb uga noqdaan dagaalada dowladda KMG kaga soo horjeedo dhinacyada hubaysan.

Muqdisho.08.Feb.2010.Wararka aan ka helayno Aqalka Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya ciidamo 400-Askari ah oo qalabkooda u dhamaystiran yahay kana tirsan Ururka Ahlu Sunna Wal-jameeca  ay ku soo wajahan yihiin Magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan dagaalada dowladda KMG uga soo horjeedo Ururada Al-shabaab iyo Xizbul Islaam.

Golaha wasiirada Dowladda KMG ayaa maalin ka hor shir albaabadu u xiranyihiin  ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada ayaa waxa ay isku soo qadeen suurta gelida sida ciidamadaan loogu soo daabuleynaayo Muqdisho iyadoo ay jiraaan warar sheegaaya in dawladda Mareykanka ay balan qaaday suurto gelinta arinkaan.

Ciidamadan oo aan la ogayn xiliga ay imaanayaan Muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay socdaan qorshayaal ciidamada dowladda KMG dalka dibadiisa ku soo tababarteen iyo ciidamada la isku xiro kadibna dagaal qorsheysan la galaan kooxa islaamiyiinta xoogaga kale.

Dhanka kale Afhayeen u hadlay Ururka Ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa  ka gabsaday arintaan mar maanta uu qadka taleefanka ugu waramaayey warfidiyeenada.

Ururka Ahlu Sunna Wal-jameeca ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku midaysan yihiin maleeshiyo beleedyo qaar kamid ah beelaha dega gobolada dhexe ee Soomaaliya,sidoo kalena xiriir hoose laleh dawlada Itoobiya oo  ugu deeqday hub iyo tababar ciidaan.

Magaalada Guriceel ayaa hadda  waxaa ku sugan Jenaraal  Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaan jiray ciidanka xooga dalka soomaaliyeen,Galaal ayaa xalay markii ugu horeysay warbaahinta ka sheegay  inuu halkaas u tagay sidii uu gacan uga geysan lahaa dagaalo ay damacsan yihiin ururkaaas.

 Madaxweyne Sheekh Shariif sheekh Axmed oo cadaadis xoogan kala kulmay beesha Caalamka iyo xubno ka tirsan Dowladda KMG, ayaa hadda waxa uu u muuqdaa mid u diyaar garoobay daagaal.

Dowladda ayaa qorshaheeda ugu weyn dagaalada waxa uu yahay in ay la wareegto 16-ka degmo, wallow ay jiraan qorshe kale oo dhanka Gobolada ah.

Dhanka kale islaamiyiinta mucaaradka ayaa dhankooda dareemeen saan saanta iyo gulufta colaadeed ay wado dowladda KMG, waxayna aagaga hore dagaalada degmooyinka Gobolka Banaadir soo dhoobeen ciidamo aad u faro badan

Rashid154@hotmail.com
HOMELANDMEDIA.NET - - - EMAIL:
© Copyright RealWeb Enterprises Ltd.all rights reserved.