Somaliland oo sii daysay dadkii lagu xir xiray Laacaanood.
Muqdisho.09.Feb.2010.Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay sii daayeen badi dadkii loo xir xiray dibad baxii rabshadaha xambaarsanaa ee ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Wasiirka Arrimaha guddaha Mamulka Somaliland C/laahi Ismaaciil Ciro ayaa sheegay in ay sii daayeen 46-qof oo lagu xiray howlgalo ciidamada Amaanka ka sameeyeen Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Wasiirka ayaa sheegay dadkaasi baaritaano in ay mareen, lagunawaayay dambiyada loo heysto, 20-ka mid ah dadkaasina wali ku jiraan Saldhiga Degmada Ceynabo oo lagu xiray dadkaasi.
Dadkan la soo daayay waxaa ka mid ah qaar macalimiin ah oo horay Ciidamada Amaanka ugu eedeeyeen ku lug lahaanshaha qaraxyadii ka dhacay Magaalada laascaanood ee Gobolka Sool.